Eedeysanayaal loo soo qabtay badeeco ay dhaceen

0
577

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee Twitter-ka ku sheegtay in la xiray saddex eedeysanayaal oo ganacsade ka dhacay badeeco uu safrinayay.
Qiimaha badeecada ayaa lagu sheegay in ka badan 30 milyan oo shilin.
Saraakiisha dambi baarista ayaa sidoo kale soo helay 120 xabbo oo ah taayarrada baabuurta oo ay tuhmanayaasha la baxsadeen.
Magacyada eedeysanayaasha ayaa lagu kala sheegay Joseph Njoroge oo 35 sano jir ah , Maxamad Nuur Sheekh(34) iyo Josphat Gitau oo ay da’diisu tahay 37 sano.
Waxay hadda ku jiraan gacanta booliska iyadoo baaritaano dheer ah lagu sameynaya.