Wasiirka wasaaradda arrimaha gzudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i ayaa sheegay in wadanka laga tarxiilay ganacsade u dhashay Turkiga oo lagu magacaabo Haaruun Aydiin.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii qareenka matalaya ganacsadaha oo lagu eedeyay inuu maalgaliyo argagixisada uu sheegay in maalqabeenka uu si iskiis ah uga safray Nairobi.
Hasa ahaate Dr. Matiang’i oo ay su’aalo weydiinayeen xubnaha guddiga baarlamaanka ee arrimaha amniga ayaa xaqiijiyay in dowladda Kenya ay Haaruun Aydiin u gacan gelisay dowladda Turkiga maadaama uu ka mid yahay muwaadiniinteeda.
Waxaa uu intaasi ku daray in laamaha ammanka ay diyaar u ahayeen inay dacwad ku soo oogaan eedeysanaha balse iyadoo la tixgelinayo xiriirka wanaagsan ee ka dhexeya Kenya iyo Turkiga in dowladda dalkaasi lagu wareejiyay si ay baaritaano dheeraad ah u sameyso.
Wasiirka ayaa cadeeyay in dowladda Kenya aynan raaligelin ka bixin xarigga iyo tarxiilka Haaruun Aydiin tani oo khilaafsan raaligelin la sheegay inuu gudbiyay madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.
Fred Matiang’i wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya ayaa sheegay inuu nidaam jiro yahay in marka la eedeeyo muwaadin ka soo jeedo wadan kale , wadatashi lala yeesho dowladiisa.
Xarigga ganacsadahan oo ay saaxiibbo yihiin madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa abuuray hadal hayn siyaasadeed.
Ruto ayaa saraakiisha dambi baarista ku eedeyay inay cabsi gelinayaan maalgashatada .
Xarigga Aydiin iyo tallaabadii xigtay ee dalka looga musaafuriyay ayuu Ruto ku tilmaamay mid siyaasadeysan.