Maqaaxi ku taalla Lamu oo la xiray kadib markii 4 shaqaale laga helay COVID-19

0
762

Waxaa albaabada la isugu dhuftay maqaaxida Breeze View Hotel ee degmada Mpeketoni oo ka tirsan ismaamulka Lamu.
Tani ayaa timid ka dib markii afar ka mid ah howlwadeenada oo uu ku jiro mulkiilaha laga helay cudurka COVID-19 sida ay shaacisay wasiiradda caafimaadka ee Lamu Anne Gathoni.
Waxaa tallaabada lagu xiray maqaaxidda Breeze warbaahinta u xaqiijiyay mulkiilaha goobtaasi John Wanyoike Kiuna.
Ku simaha maamulaha maqaaxida Mburu Kiuna ayaa laga soo xigtay inuu ku dadaalayo sidii goobta dib loogu furi lahaa ka dib marka shaqaalaha ay dhameystaan karantiil la geliyay.