Jarmalka iyo Natherland oo hakiyay musaafurinta muwaadiniinta dalka Afgaanistaan

0
514

Qiimeyn cusub ee uu sameeyay sirdoonka Mareykanka ayaa sheegaya in caasimadda Afgaanistaan ay gacanta u gali karto 90 maalmood gudahood kooxda Talaiban kadib markii kooxdaas hubeysan ay qabsadeen inta badan caasimad goboleedka wadanka Afganistan.
Taaliban waxay qabsadeen sagaal caasimad goboleed oo ku yaal Afghanistan ilaa Jimcihii, oo ayna ku jiraan Faizabad, Farah, Pul-e-Khumri, Sar-e-Pul, Sheberghan, Aybak, Kunduz, Taluqan iyo Zaranj.
Daalibaan ayaa horey u heshay qeybo badan oo ka mid ah miyiga Afgaanistaan tan iyo markii ay bilaabeen weeraro isdaba joog ah bishii May taas oo ay ku beegeen ka bixitaanka ciidamada shisheeya ee dalkaas joogay oo uu maraykanka ka mid ahaa.
Dhanka kalena adamada Jarmalka, Netherlands ayaa joojiyay masaafurinta muwaadiniinta Afghanistan.
Labadan dal ayaa eegay xaalada ammaan ee sii xumaanaysa dalka Afganistan.