Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xilalkii ay hayeen ka qaaday Afar ka mid ah guddoomiyeyaasha Degmooyinka gobolka Banaadir.
Guddoomiyeyaasha Degmooyinka ee xilalka laga qaaday ayaa waxaa kamid ah, kan degmada Xamar Weyne Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir, degmada Kaaraan Abshir Kaaraan, dhiggiisa,degmada Waabari Cabdicasiis Cismaan Jaamac iyo Guddoomiyaha degmada Hiliwaa Cabdixakiin Cumar Cabdulle.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cumar Xassan ayaa Warbaahinta u aqriyay Wareegtada ka soo Baxday Duqa Caasimadda.
24-kii saacadood ee la soo dhaafay ayaa waxaa Baraha Bulshada aad loogu hadal haayay in xilalka laga qaadi doono qaar kamid ah gudodomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir, taasoo rumoowday.