DHAGEYSO:Meydadka dadkii ay Amisom ku xasuuqday Shabeellada Hoose oo la geeyay Muqdisho

0
402

Waxaa xalay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya la geeyay Meydadka dad shacab ah oo aan waxba galabsan kuwaasoo lagu eedeeyay inay gelinkii dambe ee shalay Ciidamo ka tirsan Midowga Afrika ee AMISOM ku dileen Gobolka Shabeellaha Hoose.
7 Ruux oo dhammaantood dhalinyaro ahaa ayaa Meydadkooda la dhigay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, waxaana lagu laayay deegaanka Golweyn oo hoostega Magaalada Marka ee Xarunta Shabeellaha Hoose.
Ehellada dadka la xasuuqay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadka la dilay aysan waxba galabsan, islamarkaana Ciidanka AMISOM ay si bareer u toogteen dadkaasoo qaarkood ay kala soo baxeen Beer ay ku sugnaayeen sida ay hadalkooda ku sheegeen.
Waxaa ay tilmaameen in dadka la dilay uu kamid ah yahay Odey da’ ah oo lagu magacaabi jiray Cumar Xasan loona yaqaanay Ganeey, shaqaalihii kale ee la joogay baarta iyo saddex Darawal oo saameysanayay gaadiid wadada uga halaabay.
Ehelada dadka la laayay ayaa sheegay in markii hore Ciidamo AMISOM ka tirsan Qarax lala eegtay ka dib caradii ay dad shacab ah oo aan Waxba galabsan ku laayeen.
Waxaa ay sidoo kale sheegeen in dadka markii la dilay la isugu geeyay hal goob, ka dibna lagu riday God, iyagoona markii dambe la qarxiyey sida warbaahinta u sheegeen, waxaana falkaas oo ah mid fool Xun oo loo gaystay dad aan waxba Galabsan oo shacab ah.
Dowladda Federaalka ayay ugu baaqeen inay dhibaatada Ciidanka AMISOM ay gaysanayaan wax ka qabato, ayagoo tilmaameen Ehellada in Meydadka aan la aasi doonin ilaa Cadaalad ay helaan, islamarkaana dowladda ka hadasho falkaas.