Barasaabka Kilifi oo ka mahadceliyay in laga qaaday xilkii guddoomiyaha ODM ee ismaamulkaasi

0
444

Barasaabka ismaamulka Kilifi ee gobolka xeebta Amason Kingi ayaa qoraal uu soo saaray ugu mahadceliyay madaxa xisbiga ODM Raila Odinga.
Tani ayaa timid ka dib markii laga qaaday xilka guddoomiyaha ODM ee Kilifi oo uu hayay muddo sagaal sano ah.
Mr. Kingi ayaa sheegay in intii uu xilkan hayay uu sameeyay horumar wax ku ool ah.
Waxaa uu xusay in dadaalkiisa uu horseeday in ODM ay doorashadii hore guulo ka soo hooysay jagooyinka kala duwan.
Tallaabada lagu beddelay Kingi ayaa timid ka dib markii lagu eedeyay inuusan sidii hore xisbiga daacad ugu ahayn waxaana lagu beedelay xildhibaanka deegaanka Ganze Teddy Mwambire.