Dowladda Soomaaliya ayaa ku Gacansaydhay warbixinta ay soo saareen gudiga Xaqiiqo raadinta ee laa xilsaaray inay ka soo warbixiyaan khilaafka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya waxayna sheegtay in Guddigu ay ka been sheegeen halka uu salka ku haayo khilaafka labada dowladood.
Guddiga oo ka kooban 7 Xubnood oo isugu jira Hal xubin oo ka socota Urur Goboleedka IGAD & lix Xubnood oo ka socda dowladda Jabuuti ayaa IGAD waxaay u xilsaartay in lagu ogaado xaaladaha kajira xaduudka Soomaaliya & Kenya ee dhinaca gobolka Gedo ee sababay khilaafka diblumaasiyadeed ee labadaan dal.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska dowlada Soomaaliya Cismaan Dubbe oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in guddiga ay noqdeen kuwo hal dhinac ah oo gudbiyay hadalo ay kasoo xigteen Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Monica Juma, kaasoo dowladda Soomaaliya ku noqday amakaag.
Wasiir Cismaan Dubbe ayaa sharaxaad ka bixiyay qodobada ay guddiga xaqiiqo raadinta ahaa gudbiyeen, isagoo sheegay inay ahaayeen kuwo ay kasoo xigteen hal dhinac, waxaana kamid ah.
1: in tabashooyinkii ay dowladda Soomaaliya ka gudbisay Kenya ay dhamaantood yihiin kuwo aan waxba kajirin.
2: In ku xadgudubka diyaaradaha Kenya ee hawada Soomaaliya ay ku sheegeen inay Soomaaliya qaldan tahay oo aysan u kala saarin diyaaradaha Xamuulka qaada & kuwa rakaabka caadiga ah.
3: In Ciidamada Kenya aysan kusoo xadgudbin dhulka Soomaaliya gaar ahaan dhinaca xaduudka, iyadoo Ciidamo Kenyan ah oo ka tirsan AMISOM ay joogaan Gudaha Soomaaliya.
4: In arrinta khilaafka keentay ee xiriirka loogu jaray Kenya uu salka ku haayo arrin hore oo ka dhaxeeysay Soomaaliya & Kenya taasoo wasiirku sheegay inay waxba kama jiraan tahay.
Waxaa uu sidoo kale sheegay Wasiirka in dowladda Soomaaliya ay aad u soo dhaweeysay markii guddiga la sameeyay balse qodobada iy natiijada ay soo saareen aysan ku qanacsaneyn, isla markaana ay ku noqotay fajac iyo amakaag.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay Wajaheyso colaadda iyo dagaalada soo cusboonaaday sababtuna ay tahay dib u dhiska iyo iftiinka dowladnimo sida uu Tilmaamay.
Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe ma shaacin Go’aanka ay dowladda Soomaaliya qaadan doonto maadama aysan ku qancin Go’aanka Kooxda loo xil saaray xaqiiqo raadinta arinta la isku hay, isagoo sheegay inay rajo ka qabaan inay guddiga iyo dowladda Jabuuti raali-gelin bixin doonaan.
Dowladda jabuuti ayaa waxaay kamid tahay dowladaha teegaara dowladnimada Soomaaliya, waxaana degmooyin ka tirsan gobolka Hiiraan ka jooga Jabuuti Ciidamo ku howlgalla Magaca AMISOM, iyadoo aan la ogeyn jawaabta ay dowladda Jabuuti ka bixin doonto eedeynta uga timid Dowladda Soomaaliya ee la xiriirta inay hal dhinac la safatay oo aysan dhexdhexad ka ahayn Khilaafka labada dalka ka dhex jiro oo Sababay inay Xiriirka labada dalka Meesha ka baxo.
Shalay ayay gudiga ka socday dalka Jabuuti ee loo xilsaaray xaqiiqo raadinta qodobada ay isku Khilaafsan yihiin dalalka Soomaaliya iyo Kenya warbixintooda ku wareejiyeen Ra’isulwasaaraha dala Sudan Cabdalle Xamdook.