Dowladda Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay booqashada ra’iisul wasaaraha ee Kenya

0
366

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamad Cabdirisaaq ayaa ka warbixiyay safarka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee Kenya xilli ku wajahan yihiin dalkaas.
Wuxuu sheegay in booqashada ra’iisul Wasaaraha ay ka bilaabaneyso magaalo xeebeedka Mombasa halkaas uu kula kulmi doono madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.
“Safarkan inta aan ku jirno kama mid aha in laga hadlo arrimaha khuseeya badda oo ah kiis ay maxkamadda go’aankeeda sii deyn doonto” ayuu yiri Maxamad Cabdirisaaq.
Kadib ra’iisul wasaare Rooble ayaa u gudbi doonaa magaalada Nairobi si uu tego safaaradda iyo kulan uu la yeelan doono jaaliyadda Soomaalida ee Kenya.