DHAGEYSO:Siyaasiyin ka hadlay waraaqo ay isdhaafsadeen Farmaajo iyo Rooble

0
358

Ka dib markii maalin ka hor warqad ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaah muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamad C/laahi Farmaajo uu dhamaan hay’adaha dowladda ka joojiyay inay Galaan heshiisyo Masiiri ah oo ku saabsan Arrimaha Dibadda, dhaqaalaha iyo Siyaasadda ayaa Waxaa Warqad kale oo Shalay ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta lagu sheegay inay dhammaan hay’adaha dowladu u shaqaynayaan sidii Caadiga ahayd ayna Galayaan Heshiisyo Caalami ah waxaana arrintaas ay dadka siyaasadda Falanqeeyo u fasireen inuu jiro Khilaaf Xiligaan soo kala dhexgalay Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaarihiisa..
Walow aysan labadooda Midkoodna sheegin inuu khilaaf ka dhex jiro marka laga tago wararka la isla dhexmarayo.
Xildhibaan Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa arrimahaasi ka hadlay isagoo si gaar ah u eegay Waajibaadka Xukuumadda Xilgaarsiinta ah iyo inaysan Awood Dastuuri ah u lahayn Galida Heshiisyo Masiiri ah Madaama shaqadeedu ay tahay Xilgaarsiin inta dalku uu Doorashada ku jiro.