Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo isku shaandheyn sameeyay

0
481

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xil ka qaadis ku sameyey Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada halka kuwo kalena uu magacaabay.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Laftagareen ayaa waxaa xilalkiii looga qaaday Wasiirada kala ah Garsoorka & Cadaaladda Maxamed Xuseen Xasan (Joon) Warfaafinta Ilyaas Cali Qalinle.
Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa xilka Wasiirka Garsoorka & Cadaaladda waxaa uu u Magacaabay Xasan ibraahim Xasan (Lugbuur) Warfaafinta waxaa loo Magacaabay Ilyaas Cali Nwasiirka howlaha Guud waxaa loo Magacaabay Maxamed Cali Xasan.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen xilka wasiirka Wasaaradda Ganacsiga waxaa uu u maacaabay Axmed Maxamed Mashruuc.
Xilka qaadistaan iyo Magacaabista uu sameeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa waxaa ay ku soo aadeysaa xilli dalka Soomaaliya uu ku jiro waqti doorasho, isla markaana degaannada Koonfur Galbeed ay ka dhacayaan doorashada Xildhibaannada labada Aqal.