DHAGEYSO:Qoyska Carruur ku dhimatay Beledxaawo oo warbaahinta la hadlay

0
467

Qoys ay Musiibo ka soo gaartay dagaalkii Maalin ka hor ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ka dib markii ay ku dhinteen shan Caruur ah oo ay dhaleen iyo ku dhawaad Toban qof oo kale oo ehelkooda ah ayaa warbaahinta faahfaahin ka siiyay sida ay wax u dhacen.
Hooyada iyo aabaha dhalay shanta Carruur ee dhimatay way awoodi waayeen inay warbaahinta la hadlaan balse dad kale oo ehelka dhow ka mid ah ayaa faahfaahiyay sidii ay dhibaatadu u dhacday iyo dadka halkaas guriga ku dhintay Tiradooda.

Dhanka kale sida ay warbaahinta Guduhu qorayso Dowladda Fedraalka Soomaaliya ayaa Ciidamadii ay ku qabatay Dagaalkii Maalin ka hor ka dhacay degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo waxay u wareejisay Meelkale.
Wararka laga helayo gobolka Gedo waxaay sheegayaan in dowladda Soomaaliya ay degmada doolow geysay Ciidamadii lagu qabtay dagaalkii Beled-Xaawo, kuwaasoo aan hubeysneyn hadda.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in ciidamadaas ay dhawaan booqan doonaan mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaasoo lagu wado inay tegaan Gobolka Gedo sida warbaahintu qorayso.
Dowladda Soomaaliya weli ma shaacin sida laga yeelayo Ciidamadaas dagaalka lagu qabtay.
Xaaladda degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa deeggan haatan, kadib dagaalkii ka dhacay, waxaana khasaaraha ugu badan uu dagaalka kasoo gaaray dadka Shacabka ah ee ku nool gudaha degmadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here