Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa si deg deg ah ugu hambalyeeyay xubnaha Guddoonka Guddiga doorashada Somaliland SEIT ee Garabka Mahdi Guuleed oo maanta is doortay.
Mr Rooble ayaa sheegay uu sii wadi doono waan waantii uu ka dhex waday siyaasiyiinta Somaliland ee ay kala hoggaamiyaan Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed.
“Haddaba si loo hirgaliyo doorashada oo ay ugu horreysa hirgalinta doorashada Aqalka sare ayuu Ra’iisul Wasaaruhu kulan la qaatay xubnaha Guddigii 11-ka ee SIET Somalialnd isaga oo amray in dib la isu doorto ” ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamad Ibraahim Macalimuu.
Guddiga doorashada Somaliland ee Garabka Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Guddoomiye u doortay inuu noqdo Khadar Xariir Xuseen, halka Guddoomiye ku-xigeen loo doortay Najiib Xuseen Samaale.
Doorashadii ka dhacday Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka maqnaa xubnaha afarta ah ee uu soo magacaabay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, kuwaasi oo aan ka qeyb gelin doorashada.