Garab ka mid ah guddiga doorashada gobollada Waqooyi oo doortay guddoomiye

0
788

Xubno kamid ah guddiga maamulka doorashada heer dowlad goboleed ee Somaliland ayaa maanta xerada Afisiyoone ku doortay gudoomiye iyo ku xigeen.
Waxaana guddoomiyaha guddiga maamulaya doorashada gobollada waqooyi ee Somaliland loo doortay Khadar Xariir Xuseen kadib markii uu tanaasulay Maxamed Cabdullaahi Jirde oo la tartamayay.
Khadar Xariir ayaa guddoomiye u ahaa guddigii u kala diray Ra’iisul wasaaaraha.
Waxaa doorashadan ka maqnaa 4 xubnood oo horey guddiga uga biyo diidsanaa xilli ay soo xaadirtay 7 xubnood oo kaliya ah.