Dowladda Mareykanka ayaa mas’uuliyiin ka tirsan ururka Al.-Shabaab ku daray liiska argagixisada caalamiga ah.
Sida ku cad war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Mareykanka, afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere iyo Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir oo sida uu Mareykanka sheegay ku magac dheer Ikrima ayaa ka mid ah liiska shan xubnood oo ka tirsan kooxaha jihaad doonka ah ee qaaradda Afrika.
Sheekh Cali Maxamuud Raage ( Sheekh Cali Dheere) oo ah afhayeenka Al-Shabaab isla markaana ma mid ah hoggaanka sare ee ururkaasi ayaa sida ku cad war-saxaafadeedkaasi waxa qeyb ka yahay qorshaha weerarrada ururkaasi ee gudaha Soomaaliya iyo Kenya.
Sidoo kale Cabdiqaadir Ikrima ayuu Mareykanka sheegay in ilaa sanadkii 2019-kii uu ahaa madaxa saadka iyo hawlgallada Al-Shabaab, wuxuuna sidoo kale qorsheeyay oo uu hagay weerarro ka dhacay gudaha Soomaaliya.
Sidaa awgeed, Mareykanku waxa uu sheegay in la xayirayo hantida iyo danaha shakhsiyaadkani.
Mareykanka waxa uu ku goodiyay in liiskaasi argagixisada lagu soo dari doono cid kastaa iyo shirkadaha ganacsi ama maaliyadeed ee la macaamisho.
Wuxuu intaa ku daray in halista ururrada argagixisada ahi ee waddamada galbeedka, bariga iyo koonfurta Afrika ay u baahan tahay in laga wada shaqeeyo hawlgallada lagu xagal daacinayo awoodda iyo hawlgallada kooxaha argagixisada ahi.