DHAGEYSO:Doorashada xilhdibaannada gobollada Waqooyi oo wali khilaaf ka jiraa

0
521

Wararka ayaa sheegaya inuu wali Khilaaf Xooggan ka Taagan yahay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble iyo iyo gudodomiyaha aqalka Sare ee kadib Markii Xubnaha Gobollada Waqooyi ay Heshiis ka Gaari waayeen guddiyada Doorashooyinka intaasi kadibna uu Xafiiska Ra’iisul wasaaraha soo faragaliyay.
Guddoomiyaha aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi C/laai oo kulan ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa eedaymo u jeediyay Rw Rooble isagoo sheegay in Xubnihii uu isagu magacaabay ee Afarta ahaa loogu Hanjabay in Guddiga laga saarayo sida uu hadalkiisa u dhigay.