Ciidamada ammaanka Gaalkacyo oo gacanta ku dhigay nin dil gaystay

0
425

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunata gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in Ciidanka Booliska Maamulada Puntland iyo Galmudug oo iskaashanaya ay ku guuleysteen inay Gacanta ku soo dhigaan nin dil ka gaystay Magaalada Gaalkacyo, iyadoo lagu wareejiyay laamaha Amaanka Maamulka Puntland.
Taliyaha Saldhiga Booliska Magaalada Gaalkacyo qeybta Galmudug Cali Xersi Sahal ayaa sheegay in soo qabashada Ninkaan dilka ka geystay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo,oo lagu Magacaabo Cabdirisaaq Muuse Jaamac ay keentay wadashaqeyn dhex-martay laamaha Amniga labada maamul.
Wuxuu intasi ku daray in Ciidamada Booliska Galmudug & Puntland ee Gaalkacyo ku sugan uu ka dhaxeeyo iskaashi dhanka amniga ah, isla markaana ay wadajir ah uga hortagayaan cid kasta oo lagu arko waxyaabo lidi ku ah amniga.
Taliyaha howlgelinta Magalada Gaalkacyo qeybta Puntland Carab Dhuubane ayaa dhankiisa u mahad celiyay Ciidamada Booliska Maamulka Galmudug ee magaalada Gaalkacyo, wuxuuna sheegay inay Ciidamada labada maamul ay si wadajir ah u howlgeli doonaan.
Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dilal qorsheysan iyo qaraxyo ay mas’uuliyadooda sheegtaan dagaalameyaasha Al-Shabaab, hayeeshee ay howlgallo joogto ah Magaaladaasi ka sameeyaan Ciidamada Booliska Maamulada Galmudug & Puntland.