Dad loo qabtay qaraxii ciyaartooyda lagula eegtay Jubbaland

0
411

Madaxweyne ku xageenka koowaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, ayaa Maanta shir gudoomiyay shirka todobaadlaha ah ee golaha Wasiirada Maamulkaas.
Shirka oo ugu horayn lagaga hadlay arimaha amaanka iyo xaaladahii u danbeeyay ee deegaanada Jubaland iyadoo Wasaarada amniga laga dhagaystay faah faahin ku saabsan qaraxii dhawaan lala beegsaday baska kooxda kubada cagta JCCI halkaas oo khasaare uu ka dhashay, waxaana Wasaarada amniga iyo hay’adaha amaanku ay sheegeen in wali baaritaan uu socda isla markaana ay jiraan dad loo qabqabtay falkaas.
Dhinaca kale Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa golaha la wadaagtay sidii gurmadka ay ugu samaysay ciyaartooydii waxyeeladu kasoo gaartay mashaqadii ay ku waxyeeloobeen qaar kamid ah ciyaartooyda kooxda JCCI iyadoo wasaaradu ay sheegtay in sidoo la daah furay tartanka horyaalka kooxaha kubada cagta Jubaland oo si habsi leh u socda.