Wasaaradda Caafimaadka iyo arimaha Bulshada Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 64 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 4 qof ayaa u geeriyootay Cudur, waxaana ka bogsatay 28 ruux.
Wasiirka wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (35), Puntland (23) Somaliland iyo Galmudug Min (3) qof ah, 31 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 33-na ay yihiin haween.
Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka Soomaaliya laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 15,658 waxaa bogsootay 7,661 Qof. guud ahaan Dalka halka 832 ruux oo kale ay u geeriyootay cudurka.
Marwo Fowziya Abiikar Nuur Wasiirka Wasaarada Caafimaadka dowlada Soomaaliya ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19, ayna ku dadaalaan qaadasha talaalka cudurka.