Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay in ciidamada ay ku wajahanyihiin deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug, si ay guud ahaan deegaannada Koonfurta uga saaraan dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in halka ay Ciidamada ku sugan yihiin ee magaalada Camaara ay si toos ah u qabsadeen, isla markaana ay isku fidiyeen guud ahaan Camaara, una sii gudbeen deegaanka Caad.
Jeneraal Biixi oo hambalyo iyo bogaadin u diray ciidanka xoogga dalka iyo ciidamada daraawiishta Galmudug ayaa sheegay in dhagaha shacabka ay soo gaari doonto war farxad leh oo ku saabsan in Al-Shabaab laga saaro Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug,, isagoo xusay in Al-Shabaab dagaalo uga socdaan dhinacyo badan sida Gobollada Hiiraan, Shabaleellaha dhexe, Mudug Galgaduud iyo deegaano kale oo gobolada dalka ka Tirsa kuwaasoo qeyb ka ah sidii dalka looga saari lahaa Al-Shabaab.
Taliyaha Ciidnaka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliya Generaal Maxamed Tahliil biixi ayaa sheegay inuu Qorshahooda labaad yahay sidii ay cadowga uga sifayn lahaayeen degmada Xarardheere oo ah Xudunta Al-shabaab ee Gobolada dhexe.
Dhanka kale Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Axmed Macalim Fiqi ayaa sheegay in howlgallada Al-Shabaab looga saarayo Gobolka Mudug uu soo bilowday 40 cisho ka hor, isla markaana haatan laga gaaray guulo muhiim ah kadib markii lagala wareegay deegaanno Badan oo horay ay gacanta ugu hayeen.
Axmed Macalin Fiqi oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa tilmaamay in magaalada Camaara laga soo galay dhowr jiho, taasoo keentay inay isaga baxaan Xooggagii Shabaab, haatanna ay sii wadayaan dagaalka lagu jiro ilaa iyo inta laga saarayo dhamana degaannada Gobolka Mudug.
Wasiirka Amniga Galmudug ayaa shacabka iyo Madaxda uga mahadceliyay kaalinta ay ku leeyihiin dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, isagoo ugu baaqay shacabka inay ka reebtaan waxkasta oo ay sitaan waxa uu ugu yeeray cadowga umada Soomaaliyeed, maadaama ay yihiin dad ku dhuumaaleysanaya meelo yar yar, ayna ku bixi doonaan gacanta ciidamada qalabka sida.