Ururka Midowga Afrika ayaa ku baaqay is xakameyn iyo wada hadal oo waafaqsan nidaamka urur gobolleedka IGAD iyada oo ay xiisad ay ka taagan tahay xadka Kenya iyo Soomaaliya.
Guddomiyaha golaha midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in uu si aad ah ula socdo waxyaabaha ka socda xadka dalalka Kenya iyo Soomaaliya isaga oo walaac ka muujiyay.
Waxaa uu ka codsaday labada dhinac in ay is xakameeyaan oo ay wadahadal galaan.
Waxaa uu intaa ku daray in nabadda xadka Kenya iyo Soomaaliya ay muhiim u tahay xasilloonida gobolka.
Shalay ayey hayd markii wasaaradda arrimaha dibedda ee dalkani Kenya qoraal ay u dirtay guddoomiyaha Midowga Afrika ku sheegtay inay aad uga walaacsan tahay dagaalka ka soo cusboonaaday xuduudda, gaar ahaan degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo Soomaaliya oo deris la ah magaalada Mandera ee gobolka waqooyi bari Kenya
Qoraalka ay Kenya u gudbisay AU -da ayey kaga digtay in haddii dagaalka u sii socdo muddo bil ah uu ku dambayn doono dhibaato baniaadanimo iyo qaxooti fara badan oo u soo tallaaba xadka Kenya.
Wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Kenya ayaa walaaceeda ugu weyn uu yahay in dagaalka uu sababo barakaca dadka shacabka, uuna horseedo qaxooti badan oo qaab magangalyo doon ah u soo galo Kenya.
Dagaalka u dhaxeeya ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo maamulka goboleedka Jubbalanad ayaa dhowr jeer iska hor imaaday laga soo bilaabo sanadki hore.
Waxaa ay sidoo kale Kenya ka walaacsan tahay in haddii dagaalku si aan kala-joogsi lahayn u sii socda ay xaaladdu sii carqaladeyn karto gobolka islamarkaana saameeneyso xaaladda amni iyo la-dagaallanka argagixisada.