Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay dagaalkii dhexmaray Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwo ka amar qaata Wasiirka amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan oo Shalay ka dhacay degmada Baladxaawo ee gobolka gedo.
Guddoomiye Taabid oo Qoraal uu arrintaan kaga hadlayo Soo saaray ayaa Cambaareeyay dagaalkii khasaaraha geystay ee ka dhacay degmada Balad-xaawo wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay in dadka shacabka ah ee degan degmadaas lagu dul dagaalamo.
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ugu baaqay in xaaladda ka jirta Gobolka Gedo aysan uga sii darin, isla markaana looga baahan yahay inay shacabka u turaan.
Sidoo kale Taabid Cabdi Maxamed ayaa dowladda iyo Maamulka Jubbaland kula taliyey in khilaafka ka dheexeyay oo in muddo ah soo jiitamayay lagu dhameeyo wada-hadal, wuxuuna caddeeyay in dagaal marnaba uunan xal aheyn.
Ugu dambeyn Guddoomiyihii horey ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii hore ee Magaalada Muqdisho Caasimada Soomaaliya Taabit Cabdi Maxamed ayaa tacsi u diray dhammaan intii ku geeriyootay dagaalkii habeen hore ilaa shalay dhexmaray Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwo uu hoggaaminayay Wasiirka amniga Jubbaland Janan, xili dowladda Soomaaliya ay ku eedaysan dhigeeda Kenya in Ciidanka weerarka soo qaaday ahaayeen Jabhad ay soo hubeysay.
Dhanka kale Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ah Xubnaha Musharaxiinta Soomaaliya ayaa sheegay inay Wax laga Xumaado tahay dagaalka ka dhacay gobolka Gedo gaar ahaan Magaalada Beledxaawo.
Wuxuu sheegay in Magaalada Beledxaawo ay mudnayd in Masuuliyiinta dalka ugu sarraysa ay Booqasho ku tagaan oo nabadayn laga dhex bilaabo kuwa kala aragtida ah.
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Guddoomiye Thaabit oo ku baaqay in xal laga gaaro xaalada gobolka Gedo