Cabdirisaaq Khaliif Axmad ayaa loo doortay guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada Somaliland kadib tartan adag oo dhex maray Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo ka tirsan xisbiga haya talada Somaliland ee Kulmiye.
Cabdirisaaq Khaliif oo ka socda xisbiga Waddani ayaa helay codad gaarayo 42 cod.
Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa cod gacan taag ah uga kala codeynayay musharrixiinta guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland ee kala ah Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon iyo Cabdirisaaq Khaliif.
Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland oo kulanka shir guddoominayay ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta, waxaana uu sheegay in Cabdirisaaq Khaliif uu helay 42 Cod, islamarkaana uu noqday guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland halka Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon uu helay 39 Cod.
Guddoomiyaha Cusub ee golaha Wakiilada Somaliland ayaa waxaa uu ka socda dhinaca xisbiyada mucaaradka Somalland, waxaana uu tartan adag kala kulmaya xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye.