Taliska Ciidanka xoogga Soomaliya oo sheegay in la soo afjaray dagaalkii Qeycad

0
615

Taliyaha ciidanka Dhulka Soomaaliya Janaraal Maxamed Tahliil Biixi iyo Wasiiradda Amniga iyo Dhalinyarada Galmudug ayaa gaaray Saldhigii ugu weynaa ee Al-shabaab ku lahaayeen baadiyaha Qeycad oo la sheegay in Maanta lala wareegay.
Biixi, oo uu wehelinayo wasiirka amniga Galmudug ayaa shir jaraa’id ku qabteen duleedka deegaanka Qeycad ee gobolka Mudug wuxuuna ku dhawaaqay in la soo afjaray dagaalkii aaggaas ka socday isla markaana uusan jirin aag dagaal oo ka sokeeya Xara-dheere.
Ciidanka Xoogga Soomaaliya iyo Kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa wado dadaalo ay Al-Shabaab uga saarayaan deegaanada Galmudug , waxaana u suura galay in ay ka saaraan deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Mudug.