Xildhibaano xal u raadinaya khilaafka gobolka Hiiraan

0
639

Xildhibaano xal u raadinaya khilaafka gobolka Hiiraan
Maamulka gobolka Hiiraan ayaa soo dhaweeyay dadalada ay wadaan xildhibanada 2-aad ee Baarlamaanka Maamul Goboleedka Hirshabele ee ku saabsan xalinta tabashada ay qabaan qaar ka mid ah bulshada ku nool Magaalada Beledweyne gaar ahaan tan ay ka qabaan doorashadii dhawaan ka dhacday Caasimada Hirshabele ee Magaalada Jowhar.
Afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan oo ka qeyb galay Munaasabad Soo dhawayn ah oo xildhibaanadaas gaaray Magaalada Beledweyn loo Samaeeyay ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay soo dhaweynayaan dadaalada socda ee lagu Xalinayo xaalada gobolka Hiiraan.
Xildhibaanada gaaray Magaalada beledweyne ayaa sheegay inay ka qeyb qadanayaan dadaalada xal radinta ah , waxaana ay xuseen inay kulamo la qaadan doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku Nool Gobolka Hiiraan.