Booliska oo qabtay 100 kiilogaraam oo ah foolasha maroodiga

0
376

Ciidamada ammaanka ee ismaamulka Murang’a gobolka bartamaha dalka ayaa galinkii dambe ee shalay gacanta ku dhigay afar eedeysanayaal oo sitay 100 kiilogaraam oo ah foolasha maroodiga.
Dadkan ayaa loo haystaa inay ku howlan yihiin ganacsiga sharci darrada ee lagu bartilmaameedsado duur joogta.
Foolasha maroodiga ee la qabtay ayaa qiimahoodu lagu sheegay in ka badan 10 milyan oo shilin.
Tuhmanayaasha ayaa lagu kala magacaabaa Martin Mungai Nginya (58 sano jir ), Peter Macharia Njuguna (32), Edward Mwambura Kamau (55) iyo Samuel Njuguna Mwirigi (43).
Howlgalka lagu soo qabtay ayaa waxaa iska kaashaday saraakiisha waaxyo kala duwan.
Waxaa hadda socdo baaritaano dheeraad ah oo lagu hayo eedeysanayaasha si maxkamadda loo soo taago.
Booliska Murang’a ayaa laga soo xigtay inay ku dadaalayaan sidii loo soo xiri lahaa shakhsiyaadka kale ee ku lugta leh ganacsiga iyo in la ogaado suuqyada lagu iibiyo foolasha maroodiga.