Ururrada macallimiinta dalka ee KNUT iyo KUPPET ayaa sheegay inay barayaasha xubnaha ka ah ka saari doonaan dugsiyada ku yaalla deegaanka galbeedka ismaamulka Laikipia.
Tani ayaa timid ka dib markii halkaasi ay burcad weerarro ka gaysatay taasoo keentay inay goobaha waxbarashada iskaga tagaan kumanaan isugu jiro arday iyo macallimiin.
Meelaha ay amni darrada ka jirto waxaa ka mid ah deegaanada hoose ee Ol Moran, Githiga iyo Sossian oo ay maalmihii u dambeeyay ka socdeen iskudhacyo u dhexeya xoolo dhaqatada iyo beeralayda.
Maalinkii Sabtida ayaa mid ka mid ah saraakiisha sida gaarka ah u tababaran ee GSU-da iyo qof shacab ah lagu dilay Laikipia.
Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo Laikipia Daniel Nyameti ayaa sheegay in toddobaadkan gudihiisa la howlgelin doono ciidamo dheeraad ah si ay amniga u sugaan.