Doorasho ka dhaceyso Koonfur Galbeed xilli ammaanka goobta codbixinta aad loo adkeeyay

0
388

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa Maanta ka bilaabaneysa doorashada Xildhibaannada Aqalka sare qeybta ka imaaneysa degaannada maamul Goboleedka Koonfur Galbeed.
Shalay ayaa Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed diiwangeliyeen 10 Xubnood oo ku tartamaya Shan kamid ah kuraasta Aqalka Sare, waxaana kujira Saddex Haween ah oo ku tartamaya kuraasta Aqalka Sare.
Magaalada Baydhabo ayaa saaka laga dareemayaa qaban qaabada doorashada, waxaana Xubnaha tartamaya ay marka hore khudbaddo ay u jeedin doonaan Xildhibaannada Koonfur Galbeed kadibna ay bilaaban doonto doorashada.
Kulanka lagu dooranayo qaar kamid ah Xldhibaannada Aqalka Sare ee Magaalada Kismaayo ayaa goobjoog ka noqonaya Xubno ka tirsa guddiga doorashooyinka & Guddiga xallinta khilaafadka ee Heer Federaal & mas’uuliyiin kale.
Ciidamada Ammaanka dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo kuwo ka tirsan AMISOM ayaa Maanta siweyn uga qeyb qaadan doona sugidda amniga Magalada Baydhabo gaar ahaan Goobta lagu qabanayo doorashada Aqalka sare.
10 Xubnood ee Maanta ku tartami doona Shanta Kursi ee Xildhibaannada Aqalka ee doorashadooda ka dhici doonto Baydhabo, kuwaas oo shalay qaatay shahaadada musharaxnimo ayaa Magacyadooda ay kala yihiin.
1: Aadan Cabdinasir Maxamed
Maxamed Xasan Aadan
2: Dr. Xuseern Maxamed Daahir
Xasan Maxamed Nuur
3: Zamzam Ibrahim Cali
Shariifo Xaji Cusmaan Ibraahim
4: Maxamuud Maxamed Cabdinuur (Garabeey )
Nuur Baabul Cadow
5: Ayaan Aadan Cabdulaahi
Farxiyo Nuur Aadan
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa la filayaa in uu noqdo Maamulkii labaad ee bilaaba doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare, iyadoo horay Maamulka Jubbaland uu u noqday Maamul Goboleedkii ugu Horeeyay ee doorasahda aqalka Sare halka maamullada kale ee saddexda ah oo aan wali Bilaabin arrimaha doorashooyinka loogu baaqay inay doorasahda sida ugu dhaqsiyaha badan u gudagalaan.