In ka badan hal milyan oo arday ah oo maanta ku biiraya fasalka koowaad ee dugsiga sare

0
522

Waxaa maanta la filayaa in arday ka badan 1,070,000 ay ku biiraan fasalka koowaad ee dugsiyada sare guud ahaan dalka.
Macalliminta ayaa isu diyaariyay soo dhaweynta ardayda halka shaqaalaha dugsiyada ay nadhiifinayaan fasallaada ay geli lahaayeen ardayda cusub.
Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyada oo dowladda ay hoos u dhigtay kharashaadkii ay bixin jireen waalidiinta si loo hubiyo in boqolkiiba boqol ardaydii sameysay imtixaankii fasalka sideedaad ee dugsiga hoose dhexde ee KCPE-da ay ku biiraan dugsiyada sare.