Dowladda Soomaaliya oo waxba kama Jiraan ka soo qaaday warbixin midowga Afrika ka soo baxday

0
555

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee dowlada Fedraalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga jawaabtay warbixin ay dhowaan diyaariyeen guddi qiimayn ah oo ka socda Midowga Afrika taasoo ku saabsanayd mustaqbalka hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya.
Warbixintaasi ayaa ku talisay in afar qaab midkood uu yeesho hawlgalka AMISOM wixii ka dambeeya Decembar 2021-ka, kuwaasi oo kala ahaa: Inuu noqdo hawlgal ay wadajir u fuliyaan Midowga Afrika iyo Qaramada Midobay; in dib u habayn iyo wax ka beddel lagu sameeyo hawlgalka haatan jira ee AMISOM, in ciidamo ka socda waddamada Bariga Afrika la keeno Soomaaliya, iyo in AMISOM gebi ahaanba ay ka baxdo dalka Soomaaliya.
Wasiirka wasaarda Arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa sheegay in Warbixintaas aan wax wadatashi ah lagala sameyn dowladda Soomaaliya, isla markaana ay tahay mid aan waxba kajirin maadaama cid gaar ah oo Soomaliya aysan ka mid ahayn ay diyaariyeen.