Barasabka Ismaamulka Wajeer iyo madaxa fulinta bangiga KCB oo ka wada hadlay iskaashi laba dhinac ah

0
457

Barasaabka ismaamulka Wajeer Axmad Cali Mukhtar oo ay wehlinayaan xubnihiisa golaha fulinta ayaa kulan la qaatay madaxa fulinta ee bangiga KCB kaas oo ka dhacay xafiiska guddoomiyaha ee magaalada Wajeer.
Kulanka ayaa diiradda lagu saarayay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac ee bangiga iyo dowlad deegaankaasi.
Madaxa fulinta ayaa ballanqaaday inuu ballaarin doono ka mid noqoshada maaliyadeed ee ismaamulka Wajeer si loo gaaro dhammaan deegaanada hoose.
Waxaa u sidoo kale sheegay inuu kheyraad badan u gudbin doono bulshooyinka taageerida u baahan iyo xoolaha.
Barasabka ayaa dhankiisa xusay in bangiga KCB uu horseed u ahaa isbeddelka dowlad wadaajinta iyo horumarka ismaamullada.