DHAGEYSO:Golaha fulinta ee xisbiga Ford- Kenya oo ansaxiyay ka bixitaanka NASA

0
485

Golaha sare ee xisbiga Ford -Kenya ayaa ansaxiyay go’aan uu dhawaan shaaciyay madaxa xisbigan ahna senatarka ismaamulka Bungoma Moses Wetangula oo ahaa inay iskaga baxayaan isbeheysiga NASA.
Wetangula ayaa sheegay inay diyaar u yihiin sidii ay ula midoobi lahaayeen isbeheysiyada kale ee dhismaya ka hor doorashada guud ee sanadka 2022-ka.
Waxaa uu dalbaday daahfurnaan la xiriirta qaabka loo qaybsanaya dhaqaalaha xisbiyada ODM, Ford-Kenya, Wiper iyo ANC oo ka wada tirsan NASA.
Waxaa uu soo jeediyay in la soo saaro faahfaahin ku aaddan maaliyadda si xisbi kasto uu u helo qoondadiisa saxda ah.
Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Kiminini ee ismaamulka Trans Nzoia Chris Wamalwa ayaa sheegay inay khasab tahay in Ford-Kenya ay hesho lacago kaga maqan isbeheysiga NASA

Hoggaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka oo horay isna u shaaciyay inay ka baxayaan NASA ayaa sheegay inay diiradda saari doonaan xoojinta awoodda siyaasadeed ee dalladda One Kenya Alliance oo dhawaan lagu dhawaaqay.