Ku xigeenka guddoomiyaha aqalka sare ee dalka Margaret Kamar ayaa mar kale ka hadashay shirka dowladda wadaajinta ee lagu wado in la qabto bisha Sideedaad ee sanadkan.
Waxaa ay sheegtay in dhammaan madaxda iyo saraakiisha ka soo qaybgali doono shirweynahaasi ay qasab tahay in ay si buuxda ugu hoggaansamaan amarrada wasaaradda caafimaadka dalka ee lagu xakameynayo faafitanka cudurka Covid19 .
Ms Margaret Kamar oo ah guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka loo ballansan yahay ayaa sida oo kale sheegtay in si adag loo ilaalin doono badqabka ee madaxda kulanka kasoo qaybgeli doono.
Waxaa sidoo kale shirkaasi qayb ka ahaan doono madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.
Hal-ku dhigga shirka ayaa ah in la qaado tallaabo ka dhan ah isbeddelka cimillada oo ay iska kaashanayaan maamullo heerar badan ah.
Inta u dhexeysa 23-ka ilaa 26-ka bisha sideedaad ee sanadkan ayuu shirku ka socon doonaa dugsiga sare ee wiilasha ee Makueni.
Wakhtigii lagu waday in kulanka uu qabsoomo ayaa labo mar dib loo dhigay cudurka COVID19 awgii.
Waxaa uu horay qorshuhu ahaa in la qabto 20 ilaa 28-kii bishii Afaraad ee sanadkii hore waxaa loo beddelay 3 ilaa 7-dii bishi Shanaad ee sanadkan ka hor inta aan dib loo sii dhigin.
Home Wararka Kenya Tallaabooyin la qaadi doono ka hor shirweynaha dowlad wadaajinta ee lagu qaban...