Kenya iyo UK oo kala saxeexday laba heshiis oo muhiim ah oo ku saabsan caafimaadka

0
417

Kenya iyo boqortooyada Ingiriiska ayaa kala saxiixday laba heshiis oo muhiim ah oo ku saabsan caafimaadka.
Waxaa uu kusoo aadaya heshiiskan iyadoo ay soo gaba-gabowday booqasho saddex cisho ah uu madaxweynaha dalka Uhuru kenyatata ku joogay UK.
Heshiiska ugu horreeya, waxaa kala saxiixday wasiirka wasaaradda shaqaalaha ee dalka Simon Chelugui iyo wasiirka wasaaradda caafimaadka ee boqortooyada Ingiriiska Sajid Javid, kuwaas oo isku fahmay sidii ay isaga kaashan lahayeen shaqaalaha caafimaadka.
Waxaa uu heshiiska ku aadan iskaashiga shaqaalaha caafimaadka ee labada dal siinaya awoodda iyo isdhaafsiga shaqaalaha caafimaadka ee u dhexeeya Kenya iyo Ingiriiska.
Madaxweyne Kenyatta ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in heshisyada ay gaareen Kenya iyo Ingiriiska ay sii xoojin doonaan iskaashiga dhanka daryeelka caafimaadka.