Maleeshiyo ku dagaalamay Gobolka Nugaal

0
266

Wararka ka imaanaya deegaano ka Tirsan Gobolka Nugaal ayaa waxay Sheegayaan in Dagaalka oo u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed, khasaarena Gaystay uu saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Saax-Maygaag oo 50km dhinaca Bari kaga began Magalada Garoowe una dhexeeya gobolada Sool iyo Nugaal.
Malaaeshiyaadka dagaalamay ayaa la sheegay inuu dagaalkoodu salka ku haayo xiisad ka dhalatay muran dhuleed oo muddooyinkii dambe ka taagnaa deegaankaas, waxaana inta la xaqiijiyay dagaalka ku dhintay hal Ruux halka Saddex kalena ay ku dhaawacmeen.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta Gudaha Soomaaliya u sheegay in maleeshiyaadka dagaalamay ay ahaayeen badankood Xoolo dhaqato, dagaalkooduna uu dhowr jeer soo laalaabtay, isla markaana horay xal looga gaaray.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Amniga Maamulka Puntland ayaa Warbahinta u sheegay in saacadaha soo socda ay Ciidamo u diri doonan degaanka lagu dagaalamay si loo joojiyo dirirtaas, iyadoo dadka qaar ay bilaabeen inay barakacaan meelaha u dhow halka ay Maleeshiyaadku ku dagaalameen.
Degaano ka tirsan Gobolada Sool & Mudug oo ay Puntland maamusho ayaa labadii sano ee la soo dhaafay waxaa ka dhacayay dagaal Beeleedyada ayadoo marar bandanna la isku dayay in Xal laga gaaro.