Ciidamada Booliiska Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Hir-Shabeelle ayaa Howlgal ka sameeyay Xaafadaha Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, kaasoo ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay.
Howlgalka ayaa waxaa la sheegay in Ciidamada ay kusoo qabteen waxyaabaha maanka dooriya iyo dad ka Ganacsanayay oo saraakiisha Ciidamadu sheegeen inay ka qeyb qaadanayaan falalka amni darrada ah ee Magaaladaasi ka dhaca.
Waxaa gacanta lagu dhigay dhowr kartoon oo ah qamri lagu qariyay meelo Magaalada ka mid ah, si looga iibiyo dadwaynaha Magaalada Beledweyne ku nool sida ciidanka boolisku sheegeen.
Taliyaha Ciidamada Booliska Hir-Shabeelle korneyl Xasan Dhicisow Xasan oo howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay in qamriga iyo waxyaabaha kale ee maanka dooriya, ay qayb ka yihiin dhacdooyinka amni-daro ee dhaca, isla markaana ay ka hortagayaan.
Waxa uu u digay dad uu sheegay inay ka Ganacsadaan waxyaabaha maanka dooriya, oo uu Xusay in Ciidamada amniga hir-Shabeelle ay diyaar u yihiin inay ka hortagaan.
Booliska Hor-Shabeelle ayaa dhowr jeer oo hore howlgallo ay ka sameeyeen Magaalada Beledweyne iyo degaannada kale ee Hir-Shabeelle waxaay kusoo qabteen waxyaabaha maanka dooriya iyo dadkii ka Ganacsanayay.