DHAGEYSO:Guddiga doorashada Soomaaliya oo sheegay inay xallinayaan dhammaan khilaafaadka soo baxa

0
645

Afhayeenka Guddiga xalinta Khilaafaadka doorashada Soomaaliya ayaa sheegay inay ku dadaali doonaan inay si cadaalad ah u xalliyan khilaaf kasta oo kasoo laabta doorashooyinka dhacaya ee labada Aqal ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya.
Waxaa uu intas ku daray in Xubnaha guddiga ay goobjoog ka noqon doonaan Goobaha ay ka dhacayaan doorashada, isla markaana, iyagoo raacaya shuruucda ay soo saareen Golaha wadatashiga Qarankaay xalin doonaan dhamaan khilaafka yimaada.
Waxaa uu ku baaqay In lagu dadaalo in dalka laga qabto doorasho xor iyo xalaal ah, oo aysan dhicin doorasho la kala jiito, isagoo sidoo kale ku baaqay in lala Shaqeeyo guddiyada doorashooyinka iyo Ciidamada Amniga Doorashada Sugaya kadib Markii ay gaareen Magaalada Kismaanyo.
Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha guddiga xalinta Khilaafaadka doorashada Soomaaliya ayaa Maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayagoo gaaray Magaalada Kismaayo si uu goob joog uga noqdo doorashada aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo sida uu qorshuhu yahay barri ka dhici doonta magaalada Kismaanyo.

Howlaha doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya ayaa dhawaan ka bilaabaya gobolada dalka Soomaaliya, iyadoo ay socdaan diyar garowgiii ugu dambeeyay, waxaana Maamulka Jubbaland uu noqon doonaa Maamulka ugu horreeya ee qabta doorashada Aqalka Sare sanadkaan.