Baaritaan lagu ogaaday in Caroline Kangogo ay toogasho isku dishay

0
808

Qalliin baaritaan ah oo lagu sameeyay meydka Caroline Kangogo oo ka tirsanayd ciidamada ammaanka ee dalka ayaa natiijada ka soo baxday waxay tilmaamaysaa inay is toogatay.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday Dr.Johansen Oduor oo ah sarkaalka dowladda dhexe u qaabilsan baaritaannada lagu sameeyo meydadka.
Dr. Oduor ayaa xusay in haweeneydan ay u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray dhanka madaxa oo ay xabbaad iskaga dhufatay.
Baaritaanka ayaa shalay lagu sameeyay isbitaalka Moi ee magaalada Eldoret ismaamulka Uasin Gishu.
Jimcihii la soo dhaafay ayay ahayd markii qoyska Caroline ay walaac ka muujiyeen in qalliinka oo horay loo qorsheeyay xilli dambe dib loo dhigay.
Waxay doonayeen inay meydkeeda aasaan Sabtidii oo ay taariikhdu ahayd 24-kii bishan Toddobaad.
Haweeneydan ayaa la arkay iyadoo meyd ah ka dib toban cisho oo ay ciidamada ammaanka raadinayeen maadaama lagu eedeyay inay dishay labo qof.