Dowladda Fedraalka Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho waxaay xalay Gaysat ku dhow 20 Ruux oo isugu jira askar ka tirsan Ciidamada dowlada iyo dad Shacab,oo ku dhaawacmay dagaalkii degmada Beled-Xaawo ku dhex-maray Ciidamada dhexe & kuwa uu hogaaminayo C/rashiid Janan
Dadkaan ayaa waxaa la sheegay in qaarkood dhaawacooda culus yahay waxaana la geeyay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho si halkaasi loogu daaweeyo.
Wararka la helay ayaa waxaay sheegayan in sidoo kale ay jiri karaan in saacadaha soo socda in degmada Beled-Xaawo laga keeno dhaawacyo kale oo ku waxyeeloobay dagaalkaas, oo Xalay aan la soo qaadin sida ay warbahainta guduhu sheegayso
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay shaacisay in dagaalkii ka dhacay degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ay ku waxyeeloobeen askar labada dhinac ee dagaalamay iyo dad Shacab ah, balse aysan bixin faah faahin intaasi ka dheer.
Wararkii ugu dambeeyay ee degmada Beled-Xaawo aan ka heleyno ayaa sheegaya in xaalada ay tahay mid degan, isla markaana Ciidamada dowladda ay ku sugan gudaha iyo daafaah Magaaladaasi.