Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa la filayaa inay guda galaan socdaal ay ku marayaan qaybaha kala duwan ee wadanka.
Waxay dadweynaha faahfaahin ka siin doonaan faa’iidooyinka laga dhaxlay heshiiskii taariikhiga ahaa ee dhex maray 9-kii bishii saddexaad ee sanadkii 2018-kii.
Safarka labadan mas’uul ayaa billaaban doono toddobaadka soo socdo.
Is-afgaradkii Uhuru iyo Raila oo yimid xilli si wayn loogu kala qaybsanaa siyaasadda ayaa horseeday qorshaha sharci beddelka ee BBI.