Madaxa cadaaladda oo ka soo horjeesatay kiis ka dhan ah garsoorayaal la magacaabay

0
544

Madaxa cadaaladda dalka Martha Koome iyo guddiga adeegga garsoorka ee (JSC) ayaa doonaya in maxkamadda sare ay meesha ka saarto dacwad loo gudbiyay oo ka dhan ah garsoorayaal la magacaabay.
Waxaa kiiskan maxkamadda geeyay machadka arrimaha sharciga ee Katiba Institute.
Koome iyo JSC ayaa ku doodaya in waxyaabaha laga dalbanaya maxkamadda sare aynan macquul ahayn sidoo kalena laga soo gudbay wakhtigii la dhaqan gelin lahaa.
Waxay sheegeen in dacwaddu ay tahay mid ku xadgudbaysa geeddisocodka howlaha maxkamadda.
Machadka Katiba ayaa doonaya in madaxweyne Uhuru Kenyatta lagu khasbo inuu magacaabo dhammaan xaakinadii la soo xushay ee ahaa 41 in kastoo mid ka mid ah uu geeriyooday.
Mr. Kenyatta ayaa lagu dhaliilay in liiska lagu wareejiyay uu kala soo dhex baxay keliya 34 isagoo 6 ka tagay.
Waxaa su’aal la geliyay sharcinimada go’aanka hoggaamiyaha dalka halka madaxa cadaaladda loo soo bandhigay inay wargeyska rasmiga ee dowladda ku soo daabacdo macluumaadka garsoorayaasha magacyadoodu lagu wareejiyay madaxweynaha.