Dowladda dhexe ayaa adeegga korontada gaarsiinaysa degmada Xuluuqo ee deegaanka Ijara ismaamulka Garissa.
Wasiirka wasaaradda tamarta ee dalka Charles Keter ayaa mashruuc arrinkan la xiriira xariga ka jaray.
Waxaa uu sheegay in dadweynaha halkaasi ku nool ay adeeg koronto heli doonaan labo toddobaad gudahood.
Mr. Keter ayaa shaaciyay in dowladda dhexe ay lacag dhan 1.2 bilyan oo shilin u qoondeysay in loo adeegsado howlaha tamarta ee ceelasha biyaha iyo dugsiyada ismaamulka Garissa.
Waxaa uu intaa ku daray in 15 bilyan oo shilin loogu tala galay xallinta baahiyaha dhanka tamarta ee 14 ismaamul oo aynan roobabku ku badneyn loona yaqaano ASALs.