Madaxweyne Putin oo khudbad ka jeedin doono shirka dhaqalaha caalamka

0
792

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Interfax, Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa khudbad ka jeedin doono shirka sanadlaha ah ee madasha dhaqalaha addunka oo toddobaadkan qaab muqaal ah loogu qaban doono magaalada Davos ee dalka Switzerland.
Madasha oo kulmineyso madaxda ganacsiga, dadka soo saaro afkaarta arrimaha siyaasadda iyo hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada, ayaa loo qabanaya shir qaab muqaal ah sabaabo la xariira cudurka COVID-19
Putin ayaa si hordhac ah aan u shaacin ajeendihiisa shirka.
Interfax ayaa sidoo kale warisay in madaxweyne Vladimir Putin uu madashan ka qeyb galin ilaa iyo sanadkii 2009-kii xilligaas oo uu ahaa ra’iisul wasaaraha dalka Ruushka.