Xildhibaankii hore ee bartamaha Imenti oo geeriyooday

0
602

Mudanihii baarlamaanka horay ugu matali jiray dadweynaha ku nool deegaanka bartamaha Imenti ee ismaamulka Meru Gideon Mwiti ayaa geeriyooday.
Waxaa uu ku dhintay magaalada Nairobi isaga oo 57 sano jir.
Gideon ayaa in muddo ah qabay xanuunka kaadi macaanka.
Geerida siyaasigan hore waxaa warbaahinta u xaqiijiyay wiilkiisa oo lagu magacaabo Mutethia Irea oo sheegay in xaaladdisu ay wanaagsanayd balse xalay la dhigay isbitaalka.