Xildhibaanka deegaanka Garissa Township Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in aynan suuragal ahayn in dib loo dhigo taariikhda ay dhacayso doorashada guud ee sanadka 2022-ka.
Waxaa uu xusay in dastuurka dalka uu qeexaya xilliga habboon ee codeynta sidaas awgeedna xita madaxweynaha wadanka Uhuru Kenyatta uunan taasi beddeli karin.
Ducaale ayaa siyaasiyiinta soo jeediyay in doorashada dib loo dhigo ku tilmaamay kuwo aan diyaar ahayn.