DHAGEYSO:Ciidanka xoogga Soomaaliya oo soo bandhigay hub ay furteen

0
536

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed gaar ahaan Qeybta 21 aad iyo Daraawiishta Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa soo Bandhigay Saanad iyo maydadka Saraakiil ka tirsan Al-dagaalameyaasha Shabaab,kuwaasoo lagu dilay Dagaal ka dhacay Koonfurta Gobolka mudug
Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay inay Dagaalkaas ku dileen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa degaanada Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed howlgalada kawadaan ee Gobolka Mudug.
Saraakiisha ciidanka Daraawiishta Galmudug ayaa Warbaahinta Dowladda u sheegay inay la wareegeen Fariisimo ay Al-Shabaab kunsugnaayeen, welina ay Ciidamada howlgallada wadaan.
Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa ay Caawa Magaalada Muqdisho kusoo bandhigeen Rag Burcad ah oo hubeysan, kuwaas ay sheegeen inay dhac ka geysan jireen degmada Deeyniile ee Gobolkan Banaadir iyo degaannada ku dhow.
Dhanka kale ku Xigeenka Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaliya Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa faahfahain ka bixiyay raggaan hubeysan oo Ciidamada amaanku Muqdisho ku qabteen.