DHAGEYSO:Xasan Sheekh “Rajo wanaagsan ayaan ka qabnaa doorashada dhib u dhacna waan ka cabsi qabnaa”

0
422

Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in wadankaasi uu soo maray isjiid jiid la xiriira dhanka doorashada balse laga gudbay, islamarkaana Madaxda dowlad Goboleedyada looga baahan yahay inay dhameystiraan hehsiiska doorasho ee la gaaray.
Waxaa uu carabka ku dhuftay in ay xilligan u muuqato in doorashada ay dib u dhaceyso.
Waxaa uu ka digay in markale ay dib u dhacdo doorashada Soomaaliya, balse ay rajo ka qabaan inay wakhtigeeda u dhacdo doorashada.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dib u dhac kasta oo ku yimaada doorashada Soomaaliya ay mas’uul ka yihiin Madaxda dalka.
Hadalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kusoo aadayaa xilli doorashada dalkaasi ay dhowr jeer dib u dhacday, islamarkaana siyaasiyiin badan ay haatan qabaan in markale ay dib u dhici karto.
Mar uu arrimahan ka hadlay ayuu yiri