Galmudug oo soo bandhigtay hub ay ka furatay Al-Shabaab

0
560

Saraakiisha Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta ee hogaaminaysay weerarkii saakay lagu qaaday goob ay isku uruursanayeen Al-Shabaab ayaa sheegay in la wareegeen goobihii saakay ay duqeeyeen diyaaraddaha Mareykanka.
Saraakiishu ayaa ku soo waramay in ugu yaraan 60 ka tirsan ururka Al-shabab ay ku dhinteen gantaallo dhowr ah oo ay ku dhufteen diyaaradaha Maraykanka goobta dagaalku uu ka dhacay, ayadoo baaqigii ka haray kooxdaas ay u firxadeen baadiyaha ku dhow deegaanadaas halkaasoo ciidamada huwanta ah iyo dadka deegaanku ay ku raadjoogaan isla markaana ay ugaarsanaayaan.
Maamulka Galmudug ayaa sidoo kale soo bandhigay hub ay sheegeen in ay furteen Al-Shabab.
Waxaa kaloo sheegeen in hubka laga soo helay meelaha baadiyaha ah maadaama ay ka carareen Shabaab.