DHAGEYSO:Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo digniin u dirtay dugsiyada ardayda dhacay 3-dii sano ee la soo dhaafay

0
534

Ayadoo shalay Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta ee Dowladda Soomaaliya ay Shaacisay Natiijada Imtixaankii Dugsiyada Sare ee ay Kal Hore Qaaday ayuu Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Bogaadiyay Ardayda Kaalimaha hore Gashay iyo Dugsiyada ay wax ku soo barteen.
Sidoo kale Wasiirka ayaa ardayda ku dhacay Imtixaanaadkii Qaranka ku boorriyay inaysan niyada Jabin oo sanadka Dambe ay Markale Sameeyeen Imtixaanka Qaranka ayagoo iska soo dhisay maaddooyinka ay ku liiteen.
Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, C/laahi Carab ayaa ku goodiyay inay Albaabada isugu dhufan doonaan Dugsiyada Saddexdii Sano ee la soo dhaafay ardaydoodu ay imtixaanaadka ku dhaceen.

Wasaaradda waxarashada hiddaha iyo taclinta sare ee dowlada Soomaaliya ayaa shaacisay 10-ka arday ee ku guuleystay Kaalimaha ugu horeeya ee Imtixaanka shahaadiga dugsiyada sare Soomaaliya.
Sanad Dugsiyaadka 2020-iyo 2021 waxaa Marka laga Reebo deegaanada Maamulka ysanadkaan ka qayb Galay arday ay Tiradoodu ay gaaraysa Sodon iyo Afar kun sagaal boqo iyo sideed 34908 oo ku kala sugnaa deegaanda Maamulada. Galmudug,Hirshabeelle,Koonfur galbeed Jubaland iyo gobolka Banaadir.