Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya gaaray si weyna loogu soo dhaweeyay Wafdi uu Hoggaminayo Wasiirka Wasaaradda Difaaca iyo Arimaha Dibadda ireland Simon Coveney iyo Wafdi kale oo la Socday..
Wafdiga waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee magaaada muqdisho kusoo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo uu Wehliyo Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq.
Wafdiga ka socday dowladda irland ayaa waxaay kulan gaar ah la yeesheen Wasiirada Gaashaandhigga & Arrimaha dibadda Soomaaliya, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal & taageero dhinaca Amniga ah oo la siiyo Soomaaliya.
Sidoo kale Wafdiga ka socday dowladda Ireland ayaa uga mahad celiyay Dowladda Soomaaliya sida ay u soo dhaweeyeen, iyagoo balan qaaday inay Soomaaliya ku garab istaagi doonaan taageero dhinaca Amniga ah.
Wasiirka arimaha Dibada Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa Warbaahinta uga Warbixiyay kulanka ay la yeesheen Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka arimaha dibada iyo Gaashaan dhiga dalka Ireland.
Wafdiga uu hoggaminayo Wasiirka Wasaaradda Difaaca iyo Arimaha Dibadda IrRland Simon Coveney ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya wuxuu kulamo kala duwan la qaadan doonaa mas’uuliyiinta sar sare dowladda Federalka Soomaaliya.